[Dhageyso] Gen. Odowaa “Kama amar qaadano Wasiirada” Howlgalada aan sameeyno waa u madax bannaan nahay.

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegey in ciidamadii shaley la geeyey magaalada Beledweyne ay yihiin ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab.

Odowaa oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegey in Al-Shabaab ay halis ku yihiin amniga magaalada Beledweyne iyo qabsoomida doorashada la filayo in ay magaalada ka dhacdo.

Waxa uu beeniyey in ciidamadan wax lug ama saameyn ah ku leeyihiin doorashada la filayo in magaalada Beledweyne lagu qabto dhowaan ee Golaha Shacabka.

Odowaa ayaa sidoo kale sheegay in aanu ka amar qaadan Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha, wuxuu intaa ku daray in aanu ogolaasho cidna uga baahneyn halka uu u diraayo Ciidamada si aay u gutaan howlgaladooda.

Halka Hoose ka dhageyso