Dhageyso; Dr Amed Abdalla oo si kulul uga hadlay qaabka dowladda ay u hogaaminayaan Farmaajo iyo Kheerlaawe isagoo xogo badan banaanka keenay

Reading Time: 2 minutes

Dr Axmed  Abdalla Liibaan oo ah  Gudoomiya Xisbigga soomaali part ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka uu marayo isagoo si kulul uga hadlay qaabka ay kooxda qiyaano qaran Dalka u hogaaminayaan

Ugu horreyn waxa  uu ka hadlay Gudoomiya Xisbigga soomaali part sida amaanka dalka uu faraha kaga siibaxayo wuuxuu tibaaxay Dr Axmed Abdalla Liibaan in Kooxda Nabar&Naxdin ay ku fa shilmeen sugida amaanka muwaadiniinta soomaaliyeed waxa uu sheegay in dowladda ay hogaamiyaan Farmaaje iyo Kheeyrlaawe in afku faanayaan in Bishii Barakeysneed ee Ramadaan uusan Magaalada Muqdisho wax qarax ah uusan ka dhicin balse waxa uu sheegay wixi 7 bishan ka dhacay oto oto  inay ahaayeen arin muujineysa sida ay dowlada ugu fashilantay sugida amaanka shacbiga sidoo kale Dr Axmed Abdalla ayaa Dowladda ku eedeeyay qabka iyo  nidaamka sax ahaan shaha iyo jiritaanka ciidamada xasilinta magaalada muqdisho wuxuuna ku tilmaamay ciidamada xasilinta iney yihiin kuwa magic u yaala ah kuwaasi oo la isaga siijeedinaayo iney shacabku ay kacdoon sameeyaan isagoo carabka ku adkeeyay in uu san jirin qodob dastuuri ah oo ay ku dhisan yihiin ciidamada xasilinta magaalada muqddisho

Geesta kale waxa uu ka hadlay qaabka ay ururka qiyaano qaran u burburinayaan dalka isagoo sheegay in kooxdan ay usoo diyaar garoowday iney iib sadaan dalka iyo dadka soomaaliyeed taasina ay tahay in ay shacabku ay kazoo horjeestaan oo ay sheegaan waxa uu yahay rabi taankooda

Dhinaca kale Dr Axmed  Abdalla Liibaan waxa uu ka hadlay qaabka uu u arko qaraxii ka dhacay Wasaarada arrimaha gudaha dalka isagoo sheegay in wasaarad ka mid ah wasaaradaha dalka halboolaha u ah in ay soo weeraraan kooxda al shabaab ay taasi muujineyso qaabka ay u fa shilmeen Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheerlaawe wuxuu carabka ku dhuftay in dowladdu ay qaab aan sharci aheen isaga xir xirto muwaadiniinta soomaaliyeed

Wuxuuna shacbiga soomaaliyeed ugu baaqay iney sameeyaan kacdoon shacbi sibuu yiri uu gacanta ugu soo laabto dalka oo haatan faraha kasii baxayo wuuxuna carabka ku adkeeyay in kaliya uusan aheen kacdoonku in madaxda si toos ah loogu bareero balse shacabku looga baahan yahay in ay sameeyaan dibax baxyo loogu soo heryeedo kooxda qiyaano qaran