Dhageyso: Dowlada Oo Noqotay Mid Aan Leysku Haleyn Karin Xili Al-Shabaab Ay Maalin Cad U Hanjabeen mid kamid ah idaacadaha Gaalkacyo.

Reading Time: < 1 minute

Nin loo maleynayo inuu katirsan yahay kooxda Alshabaab ayaa ugu hanjabay mid kamid ah idaacadaha kuyaala magaalada Gaalkacyo inay Alshbaab tilaabo ka qaadayso haddii aysan joojin wararka shabaabku aysan raali ka ahayn.

Idaacadaha Hobyo oo kutaala koonfurta Gaalkacyo, ayaa loo jeediyay digniintaan kadib markii xiriir wicitaan ah lalasoo sameeyay agaasimaha idaacadaas,

Axmed Khaliif Geeddi, kaasoo loo sheegay haddii uusan joojinin waxyaabaha Shabaabku dhibsanayaan in tibaalo laga qaado warbaahintaas.

Ninka digniinta bixinayay oo umuuqday nin ku hadlayay magaca Shabab, ayaa sheegay inay cawaaqib xumo kala kulmidooaan haddii idaacaddani aysan joojin,

inay shabab ugu yeeraan koox argigixis, arrintaas oo uu sheegay inuu dhowr jeer idaacada ka dheggaystay weriyayaasha idaacadaas.

Agaasimaha Hobyo Radio, Axmed Khaliif, ayaa ku adkaystay inay la yimaadaan cadeymo muujinaya waxyaabaha ay ka tabanaayan warbaahintiisa,

isagoo intaas ku daray inay mar walba ilaalinayaan sharuucda saxaafada madaxa bannaan..