Dhowrkii Maalin ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka soconaayay kulamo gooni gooni ah oo ay lahaayeen odayaasha dhaqanka Beesha Waceeysle oo Degta Gobolada Mudug iyo Galgaduud kaasi oo ay uga arinsanayeen Saami qeeybsiga Galmudug oo ay sheegeen in lagu dulmay.
Boqor C/laahi Geedi shadoor oo ah Boqor Beelaha Galmudug oo la hadlay Idaacadda Maanta ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay Cadaalad daro aad u balaaran ka tirsanayaan Maamulka uu Hogaamiyo Axmed Ducaalle geelle xaaf Ee Galmudug,taasina ay ku qasabtay in ay ka hadlaan Arimaha Xaqooda ah ee la duudsiyay.
Sidoo kale Boqor C/laahi Geedi shadoor waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay Dacwadaasi u gudbiyeen Beesha Mudulood si ay uga warqabaan islamarkaana ay Go’aan mid ah uga qaataan.
Dhanka kale waxaaa uu xusay in uu dastuukur faraayo in ay Go’aan ku gaari karaan in ay ka baxaan Maamulka Galmudug islamarkaana ay maamul cusub sameeystaan ama ay ku biiraan Maamulka Hirshabeelle,
Beesha Waceeysle Ee Degta Ceeldheer,xarardheere,galcad iyo deegaano kale ayaa waxaa ay dhowr jeer cabasho u gudbiyeen Madaxda Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Iyo Kuwa Maamulka Galmudug