Waxaa xalay xaafadda Juugal degmada Yaaqshiid ee G/ Banaadir lagu arkay Meydka wiil yar oo da’diisa lagu qiyaasay 5 illaa 8 jir, kaas oo la sheegay in shalay la waayay.
Meydka Ilmahani yar ayaa lagu dhex arkay Gaari nuuca raaxada ah, isaga oo ay Qoortiisu ay ka muuqato Ceeji lagu qabtay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah Indhaha lagala baxay Meydka wiilkaasi yar.
Ciidamo ka tirsan kuwa DFS oo baaritaano ka sameeyay halkaasi ayaa gacanta ku soo dhigay dad uu ka mid ahaa ninkii iska lahaa Gaariga lagu dhex arkay Meydka.