Dhaca Iyo Wax yelada lo Geysto Shacabka oo Muqdisho ku Sii Kordheysa

Reading Time: < 1 minute

Wararka anu ka heleyno Magaalada Muqdisho aya ku waramaya in Kooxo burcad ah Xalay 2 wiil oo dhalinyaro ah ay ku dhaawaceen qeybo ka mid ah degmada Hodan ee G/ Banaadir.

Falkan oo ka dhacay xaafadda Soona-Key ee degmadaasi ayaa la sheegay in mid ka mid ah Wiilashaasi lagu dhaawacay Xabad, halka kan kale lagu dhaawacay Mindi.

Waxaana la sheegay in Burcadu ay dooneysay in ay dhac u geystaan dhalinyadaasi, iyagoona goobta isaga baxsaday.

Maalmihii dambe ayaa waxaa xaafado ka tirsan Hodan ka taagnaa cabasho xoogan oo la xariirta dhac xilliyada Habeenkii laga geysto degmadaasi.