Cabdirisaaq Xuseen Caato ayaa waxaa ka socon la’ dhammann hawlaha madaxtooyadii awalb iska tabar darreyd. Handaad joogto ah, amar ku taagleyn, mushaarooyinka oo la leexsado ayaa waxay ka mid tahay hawl-maalmeedka Madaxtooyada. Ama shaah keene ahaaw ama shaqaale xirafadle ah ahaaw waxaa kugu waajib ah inaad qeybtaada ka bixisid dhibaatada shaqaalaha madaxtooyada lagu hayo uu u qeybiyo wiilka idman ee adeerka loo yahay.
Wiilkaas (maskii Yaraa) Cabdirisaaq Xuseen Caato waxaa adeer u ah Madaxweyne Farmajo, waxaana mooddaa in loo banneeyey goobta kadib markii laga wareejiyey Fahad, Shoolle iyo Amina. Dadka ka shaqeeyaa madaxtooyada uma tagi karaan madaxweynaha oo looma ogola haddey arkaanna ma dhageysto oo wuxuu isu haysataa inuu ka weyn yahay, oo wuxuu ku yiraahdaa Cabdirisaq u tag mana jirto cid kale oo ay dhaqan-xumada wiillkaan uga dacwoodaan oo Ilaahay ahayn.
Isaga iyo Cabdinuur ayaa meesha ku ciyaara kana sameeya waa ay rabaan. Ma jirto wax shaqo ah oo ka socotaa madaxtooyadii qaranka waxaana lagu diyaaariyaa caayda iyo aflagaadda xildhibaanada iyo siyaaasiyiinta kale. Shirarkooda waxaa joogto uga qeyb gala Xidhibaan Cabdishakuur Cali Mire iyo wiil uu dhalay, Cabdirisaq Caato iyo Cabdinuur, waxaana lagu go’aamiyaa cidda bishaan la fuulayo iyo shaqaalaha laga jarayo mushaarka ama laga dib dhigayo si hawlo gaar ah loogu qabsado.
Cabdirisaaq Xuseen Caato markii la magacaabay wuxuu bilaabay inuu dadka caburiyo, mushaarka daahiyo, qabyaalad joogto ah ku kaco, xitaa waxaa jira dad uu ku yiri meeshan reerkiina hada kama taliyo ee naftaada ilaasho, taas oo uu ula jeeday reerkeyga ayaa hadda ka taliya.
Cabashada kuma eka shaqaalaha Madaxtooyada ee waxaa la qaba xildhibaannada mararka qaar ay doqonimmo dan weheshatay bido inuu Farmaajo culeyska ka qaado uu shaxaad u doonta, kadibna wax yar oo ku go’ah uu u soo saxeexo iyadoo ay awalba ay khalad ahayd madaxweyne shaxaad saxeexaya ayaa waxaa isbaaro u dhigta Cabdirisaaq Xuseen Caato oo ka qaada qeyb lacagtaas haddii kale sooma gudubto. Xildhibaanada qaar ayaa iskula kaftama maskii yaraa ee Madaxtooyada ma ku qaniinay markaad odayga aadday?
Isku soo xoori dalka meel fayow ma jirto, dhinackasta waa dhacan yahay; ajnabi na xaalufiya sida shidaalka iyo kalluunka iyo muwadainiin tuugo sare ah ay u fududeysay; masaakiin xaqooda la cuno; culeys badan oo ka yimid canshuur xad dhaaf oo uu wasiirka Maaliyadda mudane Beyle dul dhigay reer Muqdisho kadibna u qaato sahay safar lacagtaas badankeeda sida ay noo sheegeen shaqaalaha xafiiskisa iyo mushaar awlaba iska yaraa oo la weecsado, shabaab iyo daacish dil kuula taagan wadda walba waa xaaladda ay Muqdisho ku sugan tahay cid ka damqaneysana aysan mucaarid iyo muxaafid maanta.
Cidii Farmajo na dulsaartay maanta maxay qaban kartaa?