Dhaca & Boobka lagu haayo shacabka G/Banaadir & Sababta loogu diidan yahay Maamul inee dhistaan.

Reading Time: 3 minutes

Shacabka Soomaaliyeed waxaay qaateen Nidaam Fadaraal ah , Gobolada dalka waxaa ka dhismay dowlad Goboleedyo oo ka shaqayo danaha deegaanadooda & Hormarintooda.

Gobolka Banaadir  waxaa ku habsatay masiibo aan laqabin Gobolada Kale ee Soomaaliya , waxaa loo diidan yahay in aay aayahooda ka tashadaan , in aay matalaad siyaasadeed ku yeeshan DFS , waxaa laga hortaagan yahay in hormarkooda iyo amnigooda ka shaqeeystaan.

Hadii aan wax yar ka bidhaamiyo dhaca iyo boobka ugaarka ah Shacabka ku nool Gobolka Banaadir  ee ku hayaan Dadka Soomaaliyeed ee ka kala soo jeeda Gobolada kale maadama Maamulkooda u gooni yahay Kan shacabka G/Banaadirna la leeyahay 4.5 ayaan ku qeybsaneeynaa.

  1. Garsoorka Gobolka Banaadir waxaa ku habsaday dad soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee la yiraahdo Somaliland halka aqoonyahanada Gobolka Banaadir udhashay ee bartay shareecada iyo qanuunka ay shaqo la’aan la fadhiyaan guryahooda maadama aysan shaqo ka heli Karin Goboladii kale ee dalka kii ay lahayeena laga siiyay dadkale .
  2. Amniga G/Banaadir waxaa iyana horboodayo dad kasoo jeedo Jubaland & Puntland  , Nasiib daro saraakiisha & aqoonyahanada ku taqasusay Arrimaha Amniga ee udhashay G/Banaadir Talo & Hagid midna kuma lahan Arrimaha Amniga Dadkooda iyo Deegaankooda. Hadii Aan Sirdoonka ka hadalno waxaa heesta Abdullahi Kulane Jiiz Mareexan oo ka ceeriyay ciidan  iyo saraakiisha dadka deegaanka ah asagoo u adeegsanayo awooda adeerkiisa , Hadii aanka hadalno Booliska suga Amniga waxaa madax ka ah General Xijaar oo kasoo jeeda Puntland waxaana lagu xasuusta inuu Gudoomiyaha G/Banaadir ku yiri hasheegin tirade dadka dhintay taaso la micna ah in Sarkaalki Amniga Qaabilsana uu qarinaayo dhibka gaaray shacabka  .
  3. Wasaarada Maaliya XFS oo ah Hey’ada ugu weyn ee canshuuraha ka qaado G/Banaadir ay ushaqeeyaan 90% dad kasoo jeeda Gobolada Kale Soomaaliya , Halka aqoonyahana ku taqasusay Arrimaha Dhaqaalaha ee kasoo jeeda G/Banaadir ay shaqo la’aan la fadhiyaan guryahooda ayagoo niyad jabsan.
  4. Dowlada Hoose Xamar waxaa u shaqeeyo 7,000 oo shaqaalo iyo Maamul isugu jira qiimeen la sameeyay 70 % waxaa ka shaqeeyo dad kasoo jeedo Gobolada kale Soomaaliya hadii aan wax ka xuso Agaasimaha Amniga Gobolka Banaadir wuxuu kasoo jeeda Gobolka owdal ee Somaliland . bal qiyaas qof kasoo jeedo G/Banaadir xil maka heli karaa G/Owdal jawaabtu wa maya .
  5. Dakada Muqdisho shaqaalaha iyo Madaxda ka howl galo qiimeen markii lagu sameeyay 60% waa dad kasoo jeeda Gobolada kale ee Soomaaliya halka la ogyahay Heerka shaqo la’aanta heesato dhalinyarada Gobolka Banaadir oo aan heysan Meel kale oo ay u shaqo doontan hadii ay lahaan lahayeen Maamul aydhisteen arrintaan kuma dhacdeen.
  6. Airportka Muqdisho waxaaa sido kale 54% waxaa ka howl galo dad kasoo jeeda Gobolada kale ee dalka taaso iyana kutusi garto boob mudo kusocday dadka G/Banaadir inuu jiro.

Inta laguma soo koobi karo dhaca iyo boobka lagu haayo Shacabka dulman ee G/Banaadir maadama Soomaali qoys walbo gurigooda awteen oo aysan jirin isdhaxgal bulsho ama midnimo wax wada qeybsi umadeed , Gobolka Banaadir waxaa kusoo jabay hir wayn oo culeeskiisa aysan xamili Karin . dhibaatada heesata waxaa ka mid ah.

  1. Shaqo La’aan Bahsan oo heysata Dadka kasoo jeeda G/Banaadir
  2. Sicir barar baahsan oo heesta dadka degan G/Banaadir Maadama Canshuurta laga qaado aysan ku noqon isla gobolka oo loodiro Gobolada kale Dalka & Dalka Dibadiisa maadama madaxda ugu sareeyso dalka ay yihiin qurba jog dhaca ay geestan ma maalgashtaan Muqdisho oo dibada ayeey geestan .
  3. Curyaamin Ganacsi waxaa laga xiray jidadkii oo maganacsan karaan silac iyo rafaad waxaa usii dheer canshuur xad dhaaf ah
  4. Deeqaha soo gaaro DFS waxaa lagaarsiiya Gobolada kale dalka halka Gobolka Banaadir intii loogu talagalay dib loogu naqsado maadama maamulkeeda uu hoostago Madaxweyne Farmaajo.
  5. Amni daro baahsan oo jira taaso Argagaxisada oo so adeegsaday gacmo shisheeye ay qaraxyo waaweyn oo sir baabi’in ka muuqato ka geestan G/Banaadir iyadoo maalin walbo laqarxiyo ladilo , Arday , dad rayid ah , Ganacsato & qeybaha kala duwan ee bulshada intaasi waxaa usii dheer dilka aygeesanayaan Ciidamada dowlada oo noqotay joogto sida alshabaab.

Haddaba intaas iyo inkale oo dhibaato ayqabaan dadka ku abtirsada G/Banaadir oo hadii ay dhisan lahayeen Maamul ugaar ah oo ka shaqeeyo ayaahooda intaas oo tacadi ah meesha ayeey ka bixi lahayeen .

  1. Waxaa shaqo heli lahaa dadka ku abtirsada G/Banaadir.
  2. Ganacsiga & Kaabayasha Dhaqaalaha oo la hormarin lahaa sida Puntland & Somaliland u hormarsadeen deeganadooda.
  3. Go’aanada masiiriga ah waxeey ku lahaan lahayeen matalaad dhameestiran waliba si gaar ah tixgalin ayuu lahan lahaa soo jeedimahooda.
  4. Waxaa lasugi lahaa amniga G/banaadir maadama ay doorkooda qaadan lahayeen dadka deeganka markaasna wuxuu dagaalka noqon lahaa mid u dhaxeeyo Shacabka G/Banaadir & Cadow kusoo duulay halka hada lagu marmarsiinayo dowlad ayaa la qarxinayaa oo bartilmaameed ah.
  5. Adeegyada Bulshada oo wax wayn laga qaban lahaa halka maanta uu Madaxweyne Farmaajo uu iskoolka Sh. Xasan Barsane ka dhigay Xafiis dowladeed halka uu hore u ahaa Goob waxbarasho.

Shacabka G/Banaadir waxaa utaalo ineey goaan ka gaaran dhaca iyo boobka ayku hayaan dadka kasoo jeedo Gobolada Kale Soomaaliya . Soomaali waxey dhahdaa 5 shantaada waxeeysan kaa reebin sharci kaama reebo . hada xaalada G/banaadir waa sida falastiin oo israail xoog ku heesato. Ilaa intee dulmiga soconayaa , ilaa intee dhalinyarada G/banaadir shaqalo la’aan sii ahaanayan, Ilaa intee laqarxinayaa shacabka dulman ee G/banaadir. Waxaa lajooga waqtigii laga tashan lahaa ayaha G/banaadir.

W/Q . Sacdiyo Abdullahi Ali .