Dhaawacyadii ciidanka Dhulbahante oo markii sadaxaad Muqdisho la keenay

Reading Time: < 1 minute

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa markii sadaxaad shalay galab waxa ay magaalada Muqdisho keentay 20 qof oo kamid ah dadkii dhawacyadii ciidanka iyo saraakiisha beesh Dhulbahante ka soo gareen dagaalada culus ee ka socda Magaalada Lascanood ee xarunta gobolka Sool ee u dhaxeeya dadka degaanka iyo ciidamada Soomaaliland.

Dhawacyadaan oo ay ku jiraan dad liita waxaa garoonka Adaan Cadde uga hortagay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee BFS, Xildhibano katirsan labada aqal ee ka soo jeeda Beesha Dhulbahante.

Gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa dhawacyadaan u daabulay xarumaha cafimaadka magaalada si logu baxnaaniyo

Agaasimaha xarunta howlgallada Gurmadka Degdegga ee hey’adda mareynta masiiboyinka Qaranka mudane Abdullahi Mohamed Abdi (Abdullahi Qaran)Magaalada garoowana ka soo qaaday dhawacyadan ayaa kawarbixiyey tirade dhawacayda galabtay magaalada muqdisho la soo gaarsiiyey.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee BFS Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde”. Ayaa u mahadceliyey madaxda ugu sareysa hey’adda mareynta masiiboyinka oo dhawacayadan isku howlay sidii muqdisho loo soo gaarsiin lahaa

Waxaa qeybtii sadaxaad dadka ku dhaawacmay dagaalada laascaanood ee hey’adda mareynta maiiboyinka ay magaalada muqdisho soo garsiiso si loogu baxnaniyo cafimaadkooda madaama ay ku jiraan dadkaan kuwa qaba dhaawcyo culus.