Dh/mareeb: Sidee loola wareega ciidan degaankooda jooga, hubna haysta?

Reading Time: < 1 minute

Kooxda Ahlu Sunna Wajeema ayaa sheegtay in ay maanta ay si rasmi ah ciidankeeda ugu wareejisay dowlada fedeeaalka Soomaaliya, kadib munaasabad kooban oo maanta ka dhacday magaalada Dhuuso Mareeb.

Sida lagu yaqaano wareejin ciidan waxa ay martaa qaab dhismeed iyo geedi socod qaato waqti dheer kuwaas oo ay ka mid yihiin  Hubka ciidanka haysto, tirada Ciidanka, taliska ciidanka iyo dhaqdhaqaaqooda guud. Waxa muuqata in Xasan Khere oo lagu yaqaano been abuur in uu markale doonayo in uu ku qaldo beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed in uu la wareegay ciidan aan jirin.

Kooxda Al Sunna ayaa mushaar loo siin doonaa ciidankooda sidaas darteedna waxaa la sameeynayaa la wareegid  been abuur ah. Dhanka kale beelaha dega Galmudug ayaa loo tusayaa Dhuusamareen in dowlada Fedaraalka ay la wareegtay si loogu qanciyo in ay u arkaan Magaalada Dhusamareeb meel dhexdhexaad ah oo doorasho been abuur ah loogu qaban karo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa mar aan sidaa u sii fogaynin arki doona halka ay ku danbeeyso beenta Xasan Kheyre.