DG Puntland oo la timid qorshooyin u gaara oo looga hortagayo CoronaVirus

Reading Time: < 1 minute

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa la timid qorshooyin u gaara oo looga hortago CoronaVirus kaas oo ka horumarsan kuwa dowlada Fedaaka. Dowlada Puntland yaa shaacisay in ay bilowday qorshe lagu diyaarinayo Haamaha keydiya Oxygen-ta si loo helo Oxygen ku filan Puntland oo dhan oo lagula tacaalo xanuunka COVID-19.

Sida lagu sheegay qoraal xalay ka soo baxay guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ayaa lagu sheegay in guddigu uu ku hawllan yahay diyaarinta Haamaha keydiya Oxygen-ta si loogu adeegsado la tacaalidda xanuunka. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddigu ay shalay Gaalkacyo kulan kula yeesheen shirkadda samaysa Oxygen-ta magaalada islamarkaana ay kala hadleen muhiimadda ay leedahay in la diyaariyo Haamo Oxygen oo ku filan Puntland oo dhan.

Dhanka kale Dowladda Puntland ayaa wadda dadaallo la xiriira ka hortagga iyo xakamaynta COVID-19 iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay go’aanno kala duwan soo saartay si looga gaashaanto xanuunka inkastoo go’aanadaas qaarkood aysan weli dhaqan-gelin. Cudurka Coronavirus ayaa kamid ah xanuunnada loo yaqaan respiratory diseases oo waxyeelleeya Hab-dhiska Neefsiga waxaana dadka uu haleelo lagula tacaalaa mashiinka Respirator ( ventilator)  si uu Oxygen kaafiya u helo.

Waxaa muuqata in Dowlada Puntland ay la timid qorshooyin iyo da’daalo ka sareeya kan dowlada Fedaraaka Soomaaliya, taas oo muhjinaysa in Puntland ay daacad ka tahay ka hortaga cudurka sida ba’an ugu faafaya dalka Soomaaliya.