DG HirShabeele oo bilaabeyso qorshaha wajiga 2aad ee dagaalka-Al-Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo caaesumada Gobolka Hiiraan ee Baladweyne, waxa Gobolka Hiiraan ka socda  dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh uu ka bilowday gobolkaasi, kaas oo ku wejahan wajiga  labaad ee hawlgalka ka dhanka ah agagaxisada Al-Shabaab.

Warka ayaa intaas ku daraya inCiidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ay wadaan abaabulkii ugu dambeeyay ee gulufka la damacsan yahay in mintidiinta lagaga saaro deegaanada dhaca daanta galbeed ee Webiga Shabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu Saraakiisha Qaybta 27aad faray in ay ciidamada ka tallaabiyaan jiinka webiga, isla-markaana ay qaadaan gulufka lagu qabanayo deegaanada ay Shabaabku ka haystaan galbeedka gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa la sheegay in lagu arkayo deegaanada ku teedsan jiinka webiga, min Beledweyne, Halgan illaa Buulo Burde.

Taliyaha Ururka 41aad, Guutada 5aad ee Qaybta 27aad, Xuseen Xasan Joodax (Hoorow) ayaa Degmada Buulo Burde kaga dhawaaqay in la joogo xilligii la xoreyn lahaa daanta galbeed ee gobolka.

Nabadoon Cali Cumar (Qaansaweyne) oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee gobolkaasi ayaa mar sii horreysay ku baaqay in ay dadka rayidka ah isaga fogaadaan webiga jiinkiisa. Nabadoon Qaansaweyne ayaa wacad ku maray inaanan la cafin doonin xubin kasta oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka, da’da uu doonaba ha jiree.

“14 iyo 80 jir wixii u dhaxeeyo nin la cafinayo ma jiro, ogaada, ogaada nin la cafinayo inaanu jirin,” ayuu yiri Nabadoon Qaansaweyne.