DG Galmudug oo ku jirta diyaargarowga soo dhaweeynta madaxdii hore ee DF, Madaxda Xisbiyada  iyo Xildhibaano

Reading Time: < 1 minute

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa ay ku jirtaa qabanqaabada soo dhawnta wafuud balaaran oo halkaas booqasho ku tagi doonta marka uu dhamaado soonka isla markaana laga soo noqdo Cimradda.

Madaagalo madaxda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxa ka socda qabanaan qaabadii ugu danbeeysay ee soo dhawwaynta madaxda ku soo fool leh dhamaan degaanada Galmudug.

Safarka wafuudaas ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo dhowr maalin ka hor  uu Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in doorasho xoog ah lagu qaban doono magaalada Cadaaado dabayaaqada bisha Juun ee sanadkaan.

Safarkaan ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay madaxweyne Farmaajo oo ku goodinayo in uu Galmudug u magacaabi doono madaxweyne uu isaga wato ama ka amar qaata dowladiisa iyada oo xoog looga tuurayo kursiga madaxweyne Axmad Ducaale Xaaf.   Safarka wafuuda  ayaa waxa uu soo  afjarayaa  qorshaha iyo damaca Farmaajo.

Madaxda tagi doonta Galmudug ayaa waxaa ka mida ah Madaxweynihii hore ee Dowlada Fedaraalka Xassan Shiikh Maxamuud, madaxda dhowr xisbi, xildhibaano ka tirsan dowlada Federaalka iyo wasiiro ka tirsanaan jiray dowladihii horay u soo maray dalka.