DFS & Puntland oo soo dhaweeyay doorashada hogaanka loo-doortay SSC

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdillaahi Cali Xirsi Tima-cadde ayaa hambalyo u diray Hoggaanka cusub ee loo doortay Maamulka SSC-Khaatumo.

“Waxaan halkaan uga Hambalyeynayaa  Hogaanka  cusub ee loo doortay Maamulka SSC- Khaatumo  Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Cabdi Ismaaciil ” ayuu yiri Sen. Tima-cadde.

“Waxaan sidoo kale u Hambalyeynayaa gudoomiyaha  iyo gudoomiye ku  xigeenka golaha dhexe ee SSC- Khaatumo.Dhsmaan xubnaha kale ee tartamay oo muujiyey in ay u heelan yihiin hogaaminta SSC  xiligaan adag” ayuu sii raaciyay.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale hambalyo u diray Hoggaanka cusub ee loo doortay Maamulka SSC-Khaatumo.

“Madaxweyne Axmed Karaash “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Hogaamiyaha SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine) oo galabta lagu doortay magaalada Laascaanood” ayuu yiri Axmed Karaash.

“Waxaan u rajaynayaa in hogaanka cusub ay dar-dar geliyaan Arrimaha baaxada leh ee ka jira gobolka oo ay ugu horeeyaan dhamaystirka halganka iyo soo celinta Nolosha bulsho ee deegaan” ayuu ku sii daray Madaxweyne ku xigeenka Puntland.