DFS oo soo bandhigtay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay Sh/dhexe

Reading Time: < 1 minute

Ciidmada Xooga dalka iyo dadka deegaanka howlgalo wada jir ah oo ay ka sameeyeen deegaanka War-ciise ee gobalka Shabeellada Dhexe.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka ay ku soo qabteen Sarkaalkii Al-shabaab u qabilsana deegaanka War-ciise iyo deegaano kale oo hoostaha Degmooyinka Jowhar iyo Raage-celle.

Saraakiisha magaca Sarkaalka ka tirsana Al-shabaab ee gacanta lagu soo dhigay ku sheegay Maxame Jeelle.

Ciidamada Xogga iyo dadka deegaanka ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka Al-shabaab ee ay ka wadan deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.