DFS oo si farsameysan isaga leexisay mas’uliyadda dhibkii dhacay Feb 19keedii

Reading Time: < 1 minute

Madaxaweyne Farmaajo oo adeegsanaya Ra’iisal Wasaarihiisa  Maxamed X. Rooble ayaa ku guulaystay in uusan qaadin mas’uuliyada ama danbigii ka dhashay dagaalkii dhacay Bisha Feberaayo 19keedii.  Qoraal ay si wadajira u soo saareen Midowga Musharaxiinta iyo DFS ayaa lagu sheegay in ay dowlada Federaalka ay “ka xuntahay wixii dhacay kana tacsiyadeynayso”.

Hadalkaan oo ay u muuqutay inay talo ku lahaayeen qareeno ama sharci yaqaano ayaa waxa laga ilaaliyay erayo muujinaya in Farmaajo iyo dowladiisa ay danbiga qaataan. Waxa ay ahayd in qoraalka lagu sheego in dowlada Farmaajo ay qaadayso mas’uuliyada iyo dhibkii dhacay.

Nasiib xumo kooxda Midowga Musharaxiinta ayaa hadana ayaga oo soo jeeda cirbada hurdada lagu duray. Ma jiri karto dacwad lagu so oogi karo dowlada iyo hogaankeeda sababtoo ah ma ayan qiranin dhibkii dhacay iyo in ay ayaga ka danbeeyeen.  Cid kastaa ayaa ka tacsiyadeyn karta dhibkastaa ee dhaca wixii dhacay iyada oo ayan mas’uuliyadeeda dhibkaas qaadin.