Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkad laga leeyahay dalka Faransiska ay ku guuleysatay qandaraaska hubinta tayada shixnadda ka hor inta ayna badeecadahu soo galin dalka.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay munaasabad loo sameeyey ku dhawaaqista iyo saxiixa qandaraaskan, oo la sheegay inay si daah-furan ugu guulaysatay shirkadda Bureau Veritasm, taas oo ka geyb-qaadan doonta fududeynta iyo habsami u socodka ganacsiga dalka.
Bixinta qandaraaskaan ayaa ku soo aadaya iyada oo asbuuc ka hor ay golaha wasiirada soo saareen qaab cusub oo lagu bixinayo qabdaraasyada dowlada. Waxaa dad badan isweydiinayaan, Waa maxay sababta qandaraaskaan loo marin waayay qaabka ay xukumada amartay?
Wasiirka ma sharxin qaabka ay shirkadaas uga guuleysatay iyo cida waliilka uga noqon doonta dalka Soomaaliya. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in shirkadaan ay keensadeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Saomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadani ay hagaajin doonto sidoo kalena hirgelin doonto hanaanka hubinta tayada badeecadaha ee laga so dhoofiyo dalka dibaddiisa iyo horumarinta hufnaanta ganacsiga dalka.
Waxa uu ku bogaadiyey maareeyaha hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan iyo guud ahaan shaqaalaha hay’adda oo uu sheegay inay dadaal xoog ay ku bixiyeen guusha maanta la gaadhay.
Qandaraaskan ayaa muhiim u ah ilaalinta bad-qabka bulshada, kor u qaadista kalsoonida ee isticmaalka badeecadaha iyo weliba kobac dhaqaale oo waara, sida uu saxiixa qandaraaskan ka sheegay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha XFS.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in arrintaan ay innoo suurto-gelin doonto xoojinta iyo horumarka ganacsiga aan la lee nahay waddamada caalamka.
Ugu dambayntiina waxa uu wasiirka guushan taariikhiga ah ugu hambalyeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo umahad-celiyey arrintaan madaxda hay’adda ivo saaxiibada caalamiga ah.