Kooxda Alshabaab ayaa saakay waaberigii weerar culus ku qaaday degaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisin u ahayd ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Kooxda Alshabaab ayaa sheeganaysa inay la wareegeen deegaanka Masagaawaa. Balse, ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Alshabaab ay kusoo qaadaan Magaalada Masagawaay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Alshabaab halkaasi looga dilay tiro oo maleeshiyaad ah. Dowladdu waxay sheegtay in ciidanka xoogga dalku ay ka warqabeen weerarka Alshabaab.
Waxay sheegtay in cidanku haatan ay sii baacsanayaan firxadka kooxda Alshabaab. Maalmo ka hor ayay ahayd markii Alshabaab ay cagta mariyeen saldhiggii ciidanka ATMIS ee degaanka Buulo Mareer.
DFS oo sheegatay inay fashilisay weerar Al Shabaab ku qaadeen Masagawaa
Reading Time: < 1 minute