DFS oo sheegatay in ay fashiliyeen qarax gaari oo Al Shabaab diyaariyeen

Reading Time: < 1 minute

Sida uu ay sheegtay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaa la fashiliyay qarax Al-Shabaab u adeegsatay Gaari walxaha qarxa ay kusoo rartay oo ka dhacay Deegaanka Bacaadweyne ee Koofurta Gobolka Mudug. Qaraxaan ayaa lala damacsanaa in lagu wareero degaano ay ku sugan yihiin ciidanka Galmudug.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa sheegatay in Gaariga qarxay oo nuuciisu yahay  nooca loo yaqaano Land Cruiser. Qaraxa ayaa waxa la sheegayaa in uu ku geeriyooday darawalkii waday gaariga, kadib markii isku daygiisa ay kahor tageen Ciidamada ammaanka waa sida hadalka loo dhigay.

Ugu Danbeeyntii, Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaluya ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka & Daraawiishta DG Galmudug ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Deegaannada hoostaga Bacaadweyne.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!