DFS oo Qaadka Kenya laga keeno dhaqaali dari awgeed u fasaxeyso

Reading Time: < 1 minute

Inkastaa oo uusan si toos ah u sheegin, hadana Wasiirka Maaliyadda ee dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la fasaxayo qaadka Kenya laga keeno. Talabadaan oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa ka danbeeysay ka dib markii dhaqaale xumo la soo daristay dowlada Federaalka Soomaaliya.

DFS ayaa bixin weyday deeymihii laga qaaday ganacsato  iyo shaqsiyaad taas oo lagu fulinayay  howlo  in mudo ah u xayirnaa fulenteeda dhaqaale la’aan. Dhanka kale waxa iyada soo ifbaxaysa in dowlad fedaraalka ayan bixin doonin mushaaraadka shaqaalaha ee dadka u shaqeeya dowlada.

Hadaba si loo buuxiyo baahida dhaqaale xumi ee jirta ayaa waxa ay dowlada Fedaraalka qasab ku noqotay in ay dib u furto  qaadka la keeno dalka Kenya kaas oo laga helo canshuur aad u badan.  Fasaxaan ayaana ku soo beegmay iyada oo dowlada Federaalka ku eedeysay dowlada Kenya in faragalin ku haysto guduha Soomaaliya. Dhanka kale waxa iyada dowlada dhexdeeda ka jira khilaaf la xiriira go’aanka lagu furayo dhoofinta Qaadaka.