DFS oo ladamacsan in ay xildhibaano ka dhigto danbiilayaal si xasaanad loogu sameeyo

MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
6 5 days
0 9 hours
3 8 minutes
3 4 seconds
Reading Time: < 1 minute

Xogo si qarsoodi ah u heshay Muqdisho Online ayaa sheegaya in uu jiro qorshe ay wado Dowlada MW Farmaajo taaso lagu damacsan yahay in dambiilayaal dagaal laga dhigo xildhibaano si xasaanad loogu helo maadama lafilayaano in lagu maxkamadeen doono dhamaan danbiyadii ay geesteen.

Sida laga soo xigtay ila wareed aad ugu dhaw Agaasime Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Abdullahi Kulane Jiiz Mareexan wiilka uu adeerka u yahay MW Farmaajo uu yahay musharax xildhibaano iyadoo Dowlada Soomaaliya bixin doonto qarashaadka doorashadiisa.

Sido Kale General Saadaq John oo horay danbiyo dagaal ka geestay inta ay shaqeyneysay Dowlada Farmaajo ayaa looraadinayaa in uu xildhibaan noqdo si xasanad u helo isla markasna aan lagu soo oogi karin kiis dacwadeed inta uu xildhibaanka yahay.

Xogta soo gaartay Muqdisho Online waxeey intaasi ku dareysa in Fahad Yaasiin Xaaji Daahir yahay musharax Xildhibaan isla markaasna uu damacsan yahay inuu saaxada siyaasada kasaaro ina adeerkii Faarax shiekh abdukhaadir oo ay siyaasada isku qilaaf san yihiiin .

Haddi arrintaan sida qorshaha yahay ay u dhacdo waxeey daaha karogeeysaa MW Farmaajo shaqsiyadiisa , taaso ku sifeeysan been,  kutumasho xeerarka u dagsan dalka, dilaa arxan .

Doorasho