DFS oo ka codsatay Qaramada Midoobay kordhinta waqtiga joogitaanka AMISOM

Reading Time: < 1 minute

Golaha Amaanka oo meelmarinaya codsiga  kaga yimid dowlada  federaalka Soomaaliya  ayaa  waqti kordhin  u sameeyay  ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM. Golaha Amaanka ayaa go’aamiyay in AMISOM sii joogi doonta dalka Soomaaliya ilaa bisha Maajo ee sandaka soo socdoa.

AMISOM ayaa haatan gacanta ku haysa amniga qaybo badan oo kamida dalka , gaar ahaan amaanka madaxweyne Farmaajo iyo dhamaan ilaha muhimka ah ee magalaada Muqdisho iyo qaar kamida dowlad goboleedyada dalka.

Waxa jira walal laga qabo in  dalka  uu gacanta u galo ururka Al Shabaab hadii ay ciidamada AMISOM dalka isaga baxaaan. Ilaa iyo hada ma jiraan ciidamo Qaran oo lagu aamini karo amaanka dalka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!