DFS oo go’aanka ka gaartay musharaxiinta Jubbaland oo ay dhaqaalaha siin doonto (Xog)

Reading Time: < 1 minute

Xassan Cali Kheyre iyo Fahad Yasin  oo in mudo ah si qarsoodi u waday qiimeyn ay ku  sameeynayeen musharaxiinta ka soo horjeeda Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa horaantii asbuucaan waxa ay qaateen go’aan kama danbeeys ah kaas lagu go’aamiyay musharaxaiinta ay taageeerayso dowlada Fedaraalka.

Markii hore qorshu waxa u ahaa in hal musharax xoog la isugu geeyo si  awoodo dowlada Fedraalka aan loo kala dhantaalin.  Hadaba iyada oo laga cibri qaadanayo  fashilkii ka soo gaaray doorashadii Puntland oo ay hal musharax lacag badan ku bixiyeen ayaa waxa ay hadda kula taliyeen Madaxweyne Farmaajo in labo musharax si isku mid loo tagaeero kooda ugu awooda  badnaana uu marka danbe uu utanaasulo midka kale.

Hadaba qiimayn ay sameeyeen Fahad iyo Kheyre ayaa waxa la isku raacay in labada musharax ee kala ah Cabdirashiid Xidig iyo Maxamed Cabdullahi Oomaar si buxda loo taaageero.

Fahad Yasin ayaa ku taliyay in bishaan gudaheeda lacagaha hor dhaca ah ee olollha doorashada la siyo Cabdirashiid XIdig halka Cabdullahi Omaar oo ka tirsan xukummada uu ilaa bisha Juun dabayqadeeda uu isaga is dabaro. Arintaan ayaa u muuqata in  Wasiir Oomaar uu ka haysto fasax Xukumamada in uu istcimaalo lacagaha uu ka dhaco wasaaradda.

Xidig ayaa si buuxda uga dhex bilaabay degaano ka tirsan Jubbaland ololaha doorashada halka wasiir Oomaar uu isagana waqti badan galiyay in uu olalahiis ka soo bilaabo dalka dibadiisa.

Xassan Kheyre ayaa waxa uu talo ahaan u soo jeedayay in dhanka kala dhaqaale loogu magac daray ababul bulsho  oo kooban la siiyo  dhowr musharax si qas iyo foowdo uga bilabaan degaanka jubbaland .  Qorshahaan ayaa waxa abaabulkeeda lahaa Cabdi Cali Raage oo hadda ka tirsan olalal Cabdirashid xidig