DFS oo fashilka Amniga jira ku qarinayaa baaritaano aan natiijo laheen

Reading Time: < 1 minute

Siihayaha Wasiirka Cadaalalada XFS  Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inuu bilowday baaritaan ku saabsan qaabkii kooxdii ka tirsaneyd Maxaabiista ugu suura gashay inuu hub gacanta u galo.

Wasiirka oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa xusay in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay falkii ka dhacay Xabsiga Dhexe, inkastoo aanu tirada inta dhimatay iyo dhaawacaba sheegin.

“Waxaa socda baaritaan la xiriira falkaas, habkii uu u dhacay waxaa rajeynayaa in la soo gabagabeyn doono, cidii fududeysay hubkaas inuu gacanta maxaabiista waxaa lagu qaadi doonaa sharciga”ayuu yiri Sii Hayaha xilka Wasiirka Cadaalladda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay ku soo rogi doonaan xabsiyada habraacyo lagu damaanad qaadayo amniga iyo ilaalinta Maxaabiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Jen. Mahad C/raxmaan ayaa shalay sheegay in qaar ka mid ah maxaabiisti raashinka karineysay ay u suura gashay inay mid ka mid ah askartii ilaalineysay ay qoriga ka qaataan, kadibna toogtaan, sidaas iska hor imaadka ku bilowday.

Hase ahaatee waxaa jira tuhun ku saabsan in hubka loo dusiyay maxaabiista, isla markaana gudaha xabsiga laga maqlayay bambooyin, waxaana howlgalka lagu soo afjaray weerarkaas uu qaatay ku dhowaad labo saacadood.