DFS oo dagaal ka dhan ah Al Shabaab kaga dhawaaqday Gobolka Gedo

Reading Time: < 1 minute

Qaar mamida mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka, gaar ahaan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudaha Gobolka Gedo uga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab. Dagaalkaan waxa hogaaminaya.

Qorshaha la dagaalanka Al Shabaab ee Gobolka Gedo ayaa yimid iyada oo madaxweyne Axmad Madoobe ka biyo diiday ka mid noqoshada dagaal ay hogaamise dowlada federaalka.

Senator Cabdullaahi Shiikh Ismaciil Fartaag oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa Maanta Booqasho ku tegay degmooyinka Baardheere iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Waxaa labada degmo ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan heer degmo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada DF ee ku sugan degmooyinkaas.

Fartaag oo ku hormaray degmada Dolow ayaa la kulmay Wasiir C/raxmaan Maxamed Xuseen, Xubno ka tirsan maamulka Dolow iyo Saraakiisha Ciidamada ku sugan degmadaas.

Sidoo kale, Senator Fartaag ayaa markii uu tagay Baardheere kormeeray Xerada ay ku jiraan Ciidamada dowlada ee tababarka uga socdo halkaas.

Waxaa uu sheegay in socdaalkiisa la xiriiro u diyaar garowga wejiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka qeybo ka mid ah.

Saraakiisha ciidamada ku sugan labada degmo ee Doolow iyo Baardheere ayuu ugu baaqay iney u diyaar garoobaan kan qeyb qaadashada dagaalka dalka looga sifeynayo Al-shabaab ee dhowaan ka bilaabanaya gobolka Gedo.