DFS maxeey ka tiri ciidamadii soomaaliyeed ee ku dhamaatay Ethiopia

Reading Time: < 1 minute

Wasaarada warfaafinta xukuumadda fedaraalka ee Soomalaiya ayaa beenisay warar maalmihii dambe la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in ciidamo Somaali ah oo tababar u joogay sida la sheegay dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ak dhacay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itobiya.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in aysan gabi ahaanba jirin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ka dagaalamay gobolka Tigrey.

“Ma jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga Itoobiya iyo gobolka Togrey, sabab ay u dhacda-na ma jirto, cid naga codsatay na ma jirto,,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Mr Dubbe ayaa warar been abuu ah ku tilmaamay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomalaiya ay ka dagaalameen gobolka Tigre, islamarkana la doonayo sida uu hadalka u dhigay in lagu wiiqo awoodda ciidamada Soomaaliya.

“Waa warar borobagaandho oo markii la arkay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dhismayaan oo xoogeysnayaan oo ay isu taagayaan inay ka adkaadaan amniga ayaa la doonayaa in lagu qalqal galiyo hooyooyiinka iyo maatida,,” ayuu intaa ku daray.

Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in waalidiinta ka walaacsan caruurtooda tababarka u jooga dalka dibadiisa iyo gudahiisaba in caruurtooda ay u dhaarteen oo kali ah difaaca dalkooda oo aysan meelo kale ka dagaal gali doonin.