Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa soo gabagabeeyey shirkoodii ay kaga wadahadlayeen waajibaadka shaqo ee loo igmaday, qaabka uu u shaqaynayo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Labada dhinac ee Kooxaha farsamada ayaa waxay isku raaceen inay qoraalkooda u gudbiyaan dawladda Soomaaliya iyo madaxda midowga Afrika.
Waxaana La isku raacay in loo badalo magaca qorshaha cusub ee lagu hawlgalaayo ATMIS (AU Transitional Mission to Somalia) halka uu horey u ahaa AMISOM.
Shirkan wuxuu gunaanad u ahaay shirar badan oo horay uga dhacay Muqdisho, Addis Ababa iyo Cairo.
DFS iyo Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay ka doodistii howlgalka cusub ee ATMIS
Reading Time: < 1 minute