DFS & Ingiriiska oo ka gaabsaday soo dhaweeynta furitaanka safaraada Som. UK! Sabab?

Reading Time: < 1 minute

Waxa maaalintii shalay iyo xalay ahayd lagu qabtay magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska xaflad lagu sheegay in lagu furaayay xarunta  safaaradda Soomaaliya ee dalka Ingiriiska.

Xafladaan oo ay soo qaban-qaabiyeen dad degan dalka Ingiriiska ayaa waxa ay ahayd mid aan lakala tashan dowlada Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arimaha Dibada ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Soomaaliya ayaa u xilsaaran qaabeynta iyo jihaynta safaradahada ay dalka Soomaaliya ku leedahay wadamada dibadda. Dhaqanka Safaaradaha la furaya, ayaa ah mar hadii uu yahay hanti Soomaali leedahay in furitaankeeda ay ka soo qaybgalaan madaxda dowlka iska leh safaraada iyo dalka martida loo yahay.

Laakiin arimo xasaasiya ee ku hareereysan ujeedada loo furayo safarada iyada oo aan laga amar qaadan Wasaarada Arimaha Dibdda ee Soomaliya ayaa keentay in dowlada Federaalka Soomaaliya ayan ka soo qaybgalin ama ayan soo dhaweynin furitaanka safaaradda.

Dhamaan warbaahinta Wasaaradda Arimaha Dibada iyo baraheeda bulshada ayaan laga soo qorin xaflada furitaanka safaarada Soomaaliya. waxaa sidoo kale iyaga ka gaabsaday in ay wafdi u soo diraan xafladaas wasaarada arimaha dibada ee dalka martida loo yahay ee Igiriiska.

Waxaa la isweydiinayaa maxaa ku kalifay safiirka Farmaajo iyo Fahad ay soo magacaabeen  inuu qaato go’aan ayan dowladiisa la ogayn ama ayan raali ka ahay? Maxaa ku qorsoon furida safaarada oo ijaarkeeda la sheegay in bixiyay labo bilood oo kale ah?.

Su’aalaha kale ee la isweeydiinaya waxaa ka mida; Waa maxay sababta ay dowlada Ingriiska uga gaabsatay inay soo dhaweyso furitaanka safaraada. Ma waxaa jira danbiyo aan loo sheegin dadkii niyada wanaaga uga qaybgalay furitaanka Safaaradda oo lagu hayo hogaanka safaraada. Magaca safaraada miyaa shirkado ku ganacsadeen?