Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kasoo jawaabtay codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaan in garagar lala soo gaaro dadka Soomalaiyeed ee abaaraha ku habsadeen.
Waxaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho maanta ka soo degtay Diyaarad sida Macaawino gaareysa 26-tan, oo isugu jirta Cuntooyinka nuucyadeeda kala gedisan, kana timid dalka Imaaraadka Carabta.
Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Xilgaarsiinta ayaa ku usgnaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo ka mahadceliyey gargaarka ay dowladda Imaaraadka u fidisay shacabka Soomaaliyeed.
Imaaraadka Carabta ayaa horay u ballanqaaday In ka qeyb qaadanayaan samatar bixinta dadka Soomaaliyeed ee saameynta daran ku yeelatay abaarta dan ee ku dhuftay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Dowlado saaxiib la ah Soomaaliya sida Turkiga iyo Qatar ayaan weli kasoo jawaabin codsiga gargaarka degdegga ah ee abaaraha Soomaaliya.