Saciid Deni oo shalay kulan albaabada u xiran yihiin la qaatay madaxda ugu sareeysa hogaanka Puntland ayaa markii ugu horeeysay si buuxda u cadeeyay in uu yahay musharax u taagan qabashada jagada madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya.
Saciid Deni ayaa kulanka ku soo bandhigay qorshahiisa doorasho isaga oo sheegay in raga isdabayaacaya ee Muqdisho jooga ayan wax raja lahaynin isla markanaa intooda badan ay isku dhiibeen Farmaajo.
“Wax la yiraahdo Midowga Musharaxiinta ma jiro aniga ayaa ay ii soo kala dhuumanayeen, rajadooduna waa ay soo xirantay, midka ugu rajada badan ayaa ku weydiisnaya inaan siiyo kursiga labaad” ayuu yiri Saciid Deni.
Sida MOL ay ku heshay xogta, Saciid Deni ayaa ku qanacsan in cida kaliya ee ka hortaagan in uu uu dalka ka noqodo Madaxweyne uu yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
“Waxa tartamaya waa aniga iyo Farmaajo, waxaana idin xaqiijinayaa in aan kaas anaga ka guulaysan doono” Ayuu hadalkiisa raaciyay.
Saciid Deni ayaa sidoo kale ka sheekeeyay shaqada uu ka soo qabtay magalaada Muqdisho iyo kooxaha uu halkaas ka soo abuuray. Waxa uu u sheegay madaxda Puntland in kooxaha sheeganaya in ay u ololeynayaaan Xubnaha Midowga Musharaxiinta oo ay ku jiraan madaxdii hore ay isaga ku soo biireen oo ay hada la shaqeeyaan.
Waxa kaloo uu ka sheegay kulanka in uu dhawaan aadayo dalka Kenya halkaas oo uu kulan is qancin ah uu kula soo yeelan doono sirdoonka dalka Kenya kuwaas oo horay cadaadis ugu saaray in uu ka tanaasulo doorashada heerka federaalka.
“Qaar kamida Kenyaaanka waxaa ku soo arkay Muqdisho, waxaana ii muuqatay inay ku qanciyay in cida kaliya ee Farmaajo ka guuleysan kartaa aan aniga ahay. Hadana Nairobi ayaan kula soo hadli doonaa hadii ilaah raali ka dhigo” Ayuu yiri Saciid Deni
Isaga oo aad cod dheer ugu hadlayo ayuu raaciyay “Aniga lacag fara badan ayaan heystaa, cid iga lacag badana ma jirto, dadna waan heystaa, waxa aan idinka rabaa in aad aniga si niyad sami ah ii taageertaan, arinta Boosaasana ila soo afjartaan sida ugu dhaqsiyaha badan”