Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay xaalada siyaasadda dalka iyo khilaafka ka taagan Madaxweynaha xilkiisyu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumdda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
“Waxaan ognahay in dalku doorasho galay, Farmaajo 1-dii May wuxuu Doorshada oo muran badan ka jiray goostay inuu Amniga iyo Doorashada ku wareejiyo Ra’iisal wasaaraha, waxaana 27 May la saxiixay heshiis Doorasho, wixii lagu heshiiyey inuu khilaaf ka yimaado waxay ceeb ku tahay dadkii heshiiska galay’ ayuu yiri Siciid Deni oo si degan uga hadlay arrintan.
Wuxuu ugu baaqay Maxamed Farmaajo inuu fuliyo ballanqaadkiisii ahaa inuu Amniga iyo Doorashada ku wareejiyey Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, halka maamul Goboleedyada uu ku booriyey inay la shaqeeyaan Rooble.
“Waxaan rajeynayaa in heshiisku sida uu yayhay u fulo, Ra’iisal wasaaruhuna uu Doorashooyinka iyo Amniga dalka ee mas’uuliyadooda la saaray uu guto, madaxda kale oo Madaxweynaha u horeeyana inay fuliyaan wixii ay ballanqaadeen oo fursadaaas ay Ra’iisal wasaaraha siiyaan si uu shaqooyinkiisa u guto..” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.