Reading Time: < 1 minute

Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu wadaa in safar Deg deg ah Maanta ugu ambabaxo Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Safarka Saciid Denni oo salka ku haya arimo kala duwan ayaa Madaxweynuhu inta uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madax kala duwan, isagoona ugu sii gudbi doona dalal kala duwan oo uu ku wajahan yahay safarkiisu.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa Boosaaso uu kulamo kala duwan kula qaatay maalmo kahor Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  oo maalintii shalay ahayd ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Weli ma cada ujeedooyinka ku gadaaman safarka Denni hasa yeeshee waa mid aan hore loo shaacin, waxaana saacadaha soo socda uu ka duuli doonaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here