Deni oo saaxiibadiis u sii dhiibtay Puntland, inta uu ku maqan yahay doorashada Soomaaliya

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo walwal ka qaba natiijada uga imaan karta ama caqabadaha ka hor imaan kara inta uu ku jiro ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa uu ka bilaabay Puntland in uu hogaanka Puntland u dhiibto saaxiibo iyo kooxo uu ku kalsoon yahay.

Talaabadaan ayaa lagu macneeyay in uu rabo in uu gacanta ku sii hayo hogaanka Puntland, gaar ahaan ilaha dhaqaalaha Puntland, isla markaana uu Puntland u istcimaalo jaranjaro uu kula dagaalo mucaaradka ka soo horjeedo musharaxnimadiisa.

Puntland oo lagu yaqiinay inay tahay  dowlad goboleed  ku dhaqanta sharciga, ilaalisa kala danbeeynta ayaa waxa  ay isku badashay mid dano shaqsiyadeed loogu adeego, taas oo Puntland kala mid dhigaysa dowlad goboleedyda kale  ee horay u soo fashilmay sida Galmudug iyo Hirshabeelle.

Hadaba Deni oo fulinaya qorshiisa shaqsiyadeed ayaa mas’uuliyiin cusub u magacaabay Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska iyo Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

G/sare Cabdiwaaxid Cabdille Warsame ayaa loo magacaabay Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Puntland, halka G/sare Cabdirisaaq Faarax Warsame loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Dhanka kale Madaxweynahana Puntland ayaa Cabdinaasir Maxamuud Daad u magacaabay Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Puntland.

Hoos ka akhriso wareegtooyinka

Garoowe: 01 April 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 22 ee 31ka March 2022 kuna saabsan Magacaabis Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar iyo Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

1. Waxaa G/sare Cabdiwaaxid Cabdille Warsame loo magacaabay Hogaanka Ilaalada Cashuuraha ee Ciidanka Booliska Puntland.

2. Waxaa G/sare Cabdirisaaq Faarax Warsame loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.


Garoowe: 01 April 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 22 ee 30ka March 2022 kuna saabsan magacaabista Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Dowladda Puntland.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

1. Waxaa Cabdinaasir Maxamuud Daad loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD