Deni oo Raba inuu Rahaamad u Haysto Puntland & Federaalka

Reading Time: 2 minutes

Waxaa muuqata inuusan weli Siciid Cabdullahi Deni dan ka lahayn guud ahaan wadajirka iyo horumarka Somaliya, xataa Puntland uma hayo wax wanaag ah inuu ku daneysto mooyee.

Siciid wuxuu rabaa inuu dalka rahaamad u haysto oo aysan dhinac u dhaqaaqin Somaliya iyo Puntland. Lacago badan ayuu Puntland ka geliyey doorasho aan meelna u dhaqaaqin, waxaanu abuuray inay Puntland iyo beelihii ugu wanaagsanaa dhinaca isku duubnida uu kala dilay oo maanta aysan aqoon si ay isu wajaahaan.

Puntland waxay ahayd dowlad goboleedkii ugu horreyey oo ay tahay inay tusaale wanaag, ismaqal dhexdeeda iyo wadashaqeyn dowlad Federaalka tusaale u noqoto.

Labada qodob ee uu Siciid diiday inuu saxeexo waa laba qodob oo muhiim ah  kuwaas oo keenaya isabadal dhab ah oo dowladnimo uu dalka u hana qaado, kana gudbo is qabqabsiga siyaasadeed iyo maamul.

Qodobka ah Garsoorka in la ururiyo lana hubiyo inuu si hagaasan u socdo ma jirto cid aan dan ku qabin, waanaa waxa u baahan in la saxo waayo haddii kale hay’adaha kale ma shaqeyn karaan oo garsoorka oo dalka u hagaagaa waa halbowlaha isku xereka iyo xakameynta hay’adaha dalka waayo Garsoorka waxaa ku xeran amaanka, caddaaladda, iyo wadashaqeynta dhammaan ha’adaha dalka.

Qodobka kale uu ka biya diiday inuu reer Puntlad u saxeexo waa Faderaleynta dalka iyo daadajinta awoodda oo uu rabo inay isaga ku koobnaato Puntladna ay isaga rahaamad u ahaato.

Dhinaca kale,  waxaa wada saxeexay  warmurtiyeedka dhammaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo xaq iyo awood kala siman Siciid Deni, waxa maamuladaas u dan ahna ay dadka Somaliyeed ee Puntand ku dhaqan ay dan u yihiin.

Waxaa muuqata in garashada Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo tan dowladda dhexe ay aad u kortay kadib markii ay si cad u sheegeen cidda fadqalallada waddo, lagana tashaday oo la caddeeyey inay goonni joog tahay. Guuladarada Siciid waxay ka muuqataa wixii ka soo baxay shirkaan oo runtii aad ugu ahaa muhiim umadda Somaliyeed ayna wada sugayeen inuu ka harayna uu isku sifeeyey oraahdii ahayd “ Cadkaanow amaa ku Cunay ama ku ciideeyey”.

Waxaa muuqata in Saciid Deni intii uu siyaasadda Puntand ku jiray aysan u kordhin wax aan damac iyo hunguri weynin ahayn, laakiin reer Puntland waa dad yaqaanna maalinta loo baahan yahay in la kaabo qaranimada Somaliya waayo iyagaa bud dhig u ahaa dowladnimada maanta la haysto iyo nidaamkan Federaaliga ah.

Daadinta Dhiigga Puntland

 Keli talisyada waxaa inta badan lagu gartaa cabudhinta siyaasiyiinta kasoo horjeeda iyo in aan loo hoggaansamin hab-raacyada sharciga, lana xoojiyo jiritaanka koox-shakhsinimo oo ku salaysan damaca hoggaamiyaha.

Puntland weligeed dhexdeeda dhiig isagma daadin ilaa dhismaheeda ka dib,  hasa yeeshee Siciid waa kii Bosaaso ku laayey dhallinyaro reer Puntland ah, taas oo dad badan oo reer Puntand ay weli xusuusan yihiin.

Waxay ku dadaalaan reer Puntland madaxda la doorto inaan hogaanka lagu qabsan ilaa muddadii loo igmaday, hasa yeeshee Siciid waxaa uu u muuqdaa ruux aan Jamhuuriyada iska dhaafe Puntand lagu sii aamini Karin.

Haddaba Siciid Cabdullahi Deni Puntland Rahaamad ma u haysan karaa oo walaalaheed kale ma reebi karaa, misa isaga ayey reer Puntland iska reebi doonaan xelliga dhow?

Maxaa ka dhacay Boosaaso bal adba? Yaa ka Riday?