Deni oo la kulmay waxgaradka G.Mudug & Amniga degaanka oo laga hadlay

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni shalay  safar ku tagay magaalada Gaalkacyo, ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay waxgaradka iyo guddiga Amniga Gobolka Mudug.

MW Deni  oocolaad siyaasadeed kaga timid shacabka iyo waxgaradka reer Mudug ayaa ku jiro safar uu isku dayayo inuu ku xaliyo cabashooyinka dadka degaankaas ku nool,.

Guddiga ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda Amniga Gobolka, horumarada laga sameeyay iyo qorsheyaasha Amni ee diyaarsan. Madaxweyne Deni,  ayaa isna  bogaadiyay shaqada Amni ee laga qabtay Gobolka oo isbedelkeedu uu ka muuqdo guud ahaan, wuxuuna laamaha Amniga faray in la sii dardargeliyo Howlaha Amni ee socda.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!