Deni oo kulan Casho ah laqaatay Xildhibaano Horboodayay Mooshin ka dhan ah Xukuumadiisa (aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay  ka qeybgalay Casho sharaf loogu sameeyay Beerta Dalxiiska oo ku taala duleedka magaaladda Qardho ee gobolka Karkaar Puntland.

Madaxweynaha waxaa kulanka Cashada ahaa  ku wehelinayey Xubno ka tirsan Golihiisa  Wasiirada oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad iyo Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal.

Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ay ka midyihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri, Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan Maxamuud Axmed Caalim, Xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji iyo Xildhibaan Axmed Daad Diiriye Jaamac,kuwaas oo ahaa Xildhibaano siweyn uga soo horjeeday Siyaasadiisa.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!