Deni Oo kulamo xasaasi ah kawada Magaalada Kismaayo.

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan xog-wareysi ah la qaatay qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Jubaland, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Mudenayaal ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Puntland, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay Xaaladda Guud ee Jubaland, Isbedeladii ay soo martay magaaladda Kismaayo iyo horumarada la sameeyay. Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhegaystay warbixinta Hogaanka dhaqanku siiyeen, wuxuuna kula dardaarmay illaalinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka.

“Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hogaanka dhaqanka Jubaland ee ka shaqeynta illaalinta Amniga, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan Horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland” Ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Mudane, Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani).

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo Kismaayo u yimi ka qeybgalka Caleemasaarka Madaxweynaha Jubaland, ayaa intuu halkan joogay kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada, Siyaasiyiin iyo Madaxda Jubaland.