Deni oo khalalaase cusub ka abuuray Puntland & A. Karaash oo ka biyo diiday

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa sheegay inuu sii dayndoono warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Puntland. Hadalka madaxweyne  ku xigeenka ayaa kusooo aadaya, maalin kadib markii madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu Muqdisho u aaday doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa waxaa uu horay u sii qaatay mas’uuliyadii lagu maareyn lahaa Puntland, isaga oo ujeedadiisu tahay in uu labo shaqo oo isdiidan uu isaga kaliya wada maamulo. Markii uu Muqdisho aaday waxa uu horay  u sii kaxaystay golahii wasiiraada iyo qaar kamida xildhibaanada Puntland. Tani waxa aut keentay in maamulkii Puntland uu gabi ahaan curyaamo.

Dhanka kale xalay magacaaabay xubno cusub oo katirsan golihiisa wasiiradda, sida wasiirka warfaafinta, arrintaas oo dhalisay hadal hayn badan oo siyaasadeed.

Magacaabidan ayaa horseedi karta khilaaf horeyba u jiray oo ku saabsanaa in madaxtooyada Puntland ay hoos u dhigayso meeqaamka madaxweyne ku xigeenka ku leeyahay talada iyo go’aamada Puntland.

Siyaasiyiin reer Puntland ah ayaa madaxweyne Deni ugu baaqay inuu iscasilo oo uu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa, laakiin waxaa ka horyimid wasiirka maaliyadda Puntland oo saaxiibada dhow ee Deni.