Deni oo jahaweer kala kulmay ciduu aamini lahaa & cadaawada ka dhalaty boobka doorashada

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxa soo wajahay  jahaweer kala kurmay cidii uu aamini, si uu ugu boobo doorashada. Waxa uu isku dayay qaar kamida xildhibaanada in uu dhaariyo halka kuwa kale uu lacago dheeraad ah uu u balanqaaday.

Saciid Deni ayaa ay isugu darantay labo arimood 1) Isaga oo boobaya doorashada, cadaw badana ku sameeystay boobkaas, 2) iyo isaga oo aan aamini karin cida uu wax u boobaya inay codka isaga siin doonaan. Waxa uu maalmahan danbe bilaabay in dad qurbojog ah uu u diro tikidho si uu uga dhigo xildhibaan madaama uusan aamini karin dadka ku sugan dalka gudiiisa.

Hada waxa haysta walwal ku saabsan kuraasta dhawaan la dooran doono kuwaas oo garan la’yahay cida uu siin lahaa.

Kursiga op#128 ee Beesha Carab Saalax, lagana soo doorto Gobolka Nugaal/Garoowe, waxaa horay ugu fadhiyay Maxamed Cabdikaafi Maxamed, waxa uu damacsan yahay inuu siiyo  wiil lagu magacaabp Maxamed Cabdiraxmaan Axmed (Dhamuuje)

Kursiga Hop#144 ee Beesha Reer Biciidyahan(Majeerteen), lagana soo doorto Gobolka Mudug/ Cagaaran, waxa ku fadhiyay Faysal Cabdulle Guuleed, waxa uu doonayaa in uu siiyo Wasiirka Qorshaynta Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Kursiga  Hop#223 ee Beesha Awrtable, lagana soo doorto Gobolka Nugaal/Buurtinle, waxa horay ugu fadhiyay Cabdiraxmaan Axmed Jaabir, waxaana  uu balan kulan soo galay Axmad Madoobe isaga oo siin doona  Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Jubaland Xirsi Jaamac Gaanni.

Kursiga Hop232 ee Beesha Leelkase lanaga soo doorto Gobolka Mudug/Galdogob, waxaa horay ugu fadhiyay Cabdirashiid Daahir Gaboobe, waxaana hadda uuna hada u qorsheeyaya in uu siiyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland Fardowsa Cismaan Cigaal.

Kursiga Hop094 ee Beesha Dhulbahante, lagana soo doorto Gobolka Sool/ Dharkayn-geenyo, waxa ku fadhiyay Axmed Ismaaciil Shabeel, iyadoo la fiulayo in uu siiyo Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Maryan Axmed Cali ama garar la sheegay ka soo baxayso turkiga in la siiyo kursigaas.

Jawareerka heysa Saciid Deni ma aha mid isa ku kooban, madaxdii hore ayaa sidaa iyo si la mida hawada uga baxday, lacag laga cunay lana dooran, eedna uga galay qabiiilka.