Deni Ma u Danbaa Puntland Misa wuu Dumin Rabaa?

Reading Time: 2 minutes

Iyadoo dad badan oo reer Puntland ah ay aad ugu dhuun daloolaan siyaasadda iyo hannaanka uu Puntland ku wado MW Siciid Deni ayaa waxaa soo baxaya cabashooyin ay urrurada siyaasadda ee Puntland ku bixinayaan Digniin hore oo u baahan in laga hadlo oo la horjoogsado inta ay wax ka qabadka leedahay.

Ururadda kala ah Mideeye iyo horseed Shaqaala iyo kan dhalinyaradda ayaa war saxaafadeed ka soo saaray dhowaan hadalkii ka soo baxay Madaxweyna Deni ee Diinwaangelinta kaas oo ay MW Deni ku eedeeyey in uu ku tuntay dastuurka Puntland, waxayna ku baaqeen in gebi ahaanba la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod inta laga heshiinayo qaabka iyo hannaanka loo fulinayo doorashadaas.

Dhinaca kale, waxay Afarta Urur Siyaasadeed sheegeen inaysan Guddiga doorashada ee TPEC dhab ka aheyn caddaalad u qabashada doorashada iyo dhexdhexaadnimo la hubo inay gundhig u tahay doorasho xor iyo xalaal ah qabshadeeda.

Afarta urur waxay war saxafadeed ay soo saareen ku yiraahdeen “Gudiga TPEC haddey dhab ka tahay Madax banaanida ay sheeganayaan waa in ay joojiyaan diiwaangalinta aan la isla ogoleyn”

Ururradaan ma diidana in wax la saxo lana hagaajiyo hannaanka loo qabanayo hawlaha doorashada waxayna ku baaqeen in laga heshiiyo, laakiin waxaa la leeyahay taasi waxay ku adag tahay MW Deni oo xooga saarayo inay wax waliba u shaqeeyaan sida uu rabo, isagoo is leh tii Federaalka soo weydaye tan waa inaad heshaa kor iyo hoos.

Afartan Urur ayaa ugu dambeyn soo jeediyey in shir u dhaxeeya Xukuumadda iyo Ururada laysku yimaado si loo sameeyo qorshe dhameystiran oo heshiis lagu wada yahay.

Laakiin dad badani waxay qabaan in MW Deni uusan aqbali Karin doorasho xor iyo xalaal ah maadaama uu kala dilay beelaha Puntland, isla markaana  uu lumiyey kalsoonida madax dhaqameeyada Puntland oo iyagu lagu yaqaan sida ugu daacad yihiin wanaagga iyo horumarka Puntland, kuwaas oo aan aqbali doonin waxkasta oo Puntland iyo Somaliyaba aan dan u ahayn.

Mw Deni Lacago fara badan ayuu ku bixiyey doorashadan iyo diinwaangelinta, waxayna keentay inay khasnadda Puntland maanta ay maran tahay, isla markaana uu rabo inuu rahaamad u haysto Puntland.

Dhinaca kale,  waxaa uu soo tagay shirkii wada tashiga ee Xamar oo uu diiday inuu saxeeexo hannaanka maamul dadajinta iyo habeynta Garsoorka waayo wuxuu u arkay inaysan isaga wax dani ahi ugu jirin.

Ugu dambeyn,  dadka reer Puntland waxay is weydiinayaan Deni Ma lagu daawan karaa inuu dumiyo Puntland?