Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabadi Waare ayaa goordhow lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweyne Waare ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.
Wafdiga madaxweyne Waare ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan shirka ay beri madaxda dowlad goboleedyada ku yeelan doonaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Maamulada Jubbaland, Puntland Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa la filayaa in shir aan caadi aheyn ay ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo looga hadli doono xaalada siyaasadeed ee xiligan uu dalka marayo.
Dhanka kale madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu goordhow gaaro magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.