Deni iyo Axmad Madoobe oo si farsameysan u joojiyay qorshihii CCC & MM

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa xalay soo saaray liiska 14 kursi oo lagu dooran doono magalaada Kismaanyo. Liiska ayaa intiisa badan waxa uu ahaa mid ay u badnaayeen beelaha yar yar ee dega Jubbaland.

Liiska xalay la soo saaray laguma sheegin waqtiga doorashada kuraastaa la qabanaayo, taas oo micnaheedu tahay in ujeedada liiska loo saaray la doonayay in lagu hakiyo qorsho uu dhawalahan ay ka shaqeeynayeen Cumar Cabdirashiid iyo Sharif Xasan oo ahayd in dowlad la wada leeyhay dalka laga dhiso isla markaana Ra’iisal Wasaare cusub la magacaabo.

Saciid Deni iyo Axmad Madoobe ayaan marnaba ogolaan doonin in Farmaajo uu dalka sii joogo ama xukunka siiyo isaga oo marmarsiyo ka dhiganayo in dowlada lawada leeyahay la dhiso.

Dhanka kale, Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa dhawaan ku baaqay in la hakiyo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee dalka ka bilaabatay, waxa ayna taa badalkeeda ku baaqeen in la isugu yimaado shirweyne qaran.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa horey isbaheysi ula lahaa maamulada Puntland iyo Jubbaland oo xiriir wanaagsan la laheyn dowlada uu hogaamiyo Farmaajo, waxa ayna musharaxiinta maamuladaasi isku baheysan jireen go’aanada ka dhanka ah Farmaajo.

Qoraalka xalay kasoo baxay maamulka Jubbaland ee lagu shaaciyay qabashada doorashada 14-Xildhibaan oo kamid noqonaya golaha shacabka ayaa niyad jab ku abuuray musharaxiinta oo markan u muuqda kuwa aan taageero u heleyn go’aankooda.