Doorashadii hogaanka Aqalka Sare ee maanta la qabtay waxa uu ahaa mid ay Axmad Madoobe iyo Saciid Deni ku tijaabinaayeen awooda ay ku leeyihiin dhex leeyihiin xildhibaanada , gaar ahaan xildhibaanada Aqalka Sare.
Tijaabadaan ayaa u muuqata mid fashil ku soo dhamaatay ka dib markii ay ku guul daraysteen in cod u helaan Xildhibanadii (Senatos) ay iyagu wateen. Arintaan ayaan keentay wajigabax iyo kala carar ku yimid kooxaha taageera labadaa nin.
Dharbaaxyada ugu weyn waxa ay uga timid doorashada gudoomiye ku xigeenka labaad, kaas oo Saciid Deni iyo Axmad Madoobe ay la rabeen Senator Cabdullahi Shiikh Ismaaciil Fartaag. Saciid Deni ayaa si dadban ugu soo horjeestay musharaxnimada Senator Cabdullahi Timacade oo ah shaqsi ka soo jeeda Puntland.
Dhanka kale Saciid Deni ayaa taageero siiyay Senator Saalax kaas oo uu arkaayay in uu ku dilo Cabdi Xaashi. Dadka waxa uu intiisa badan u sheegayay Saciid Deni inuu taageersan yahay Cabdi Xaashi laakiin taasi waxa ay ahayd qiiq isku qaris.
Waxa ay sidoo kale ay ku jabeen taageerida Gudoomiye ku xigeenka koowaas, kaas oo ku soo baxay Cali Shacbaan oo ahaa musharax ay ka soo horjeedeen. Waxaa halkaa ku cad in uusan sal buuxa ku fadhiyin sheegashada awooda ay ku dhex leeyihiin baarlamaanka.
Maanta waxa muuqatay in dadka ayan marnaba dooran doonin cid ay ku tuhmayaan dhaawac siyaasadeed ama horay ugu soo fashilmay hogaaanka dalka, gaar ahaan kuwa lagu eedeynayo inay la safan yihiin musharaxiinta qaar.