Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Caabdullahi Deni oo ku sugan Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan albaabada u xiran yihiin uu la yeeshay ganacsato iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Maxamuud Saleemaan ee Majeerteen u sheegay in uu u tartamayo kursiga Madaxweynaha Soomaaliya si uu u soo celiyo waxa uu ku sheegay “ sharaftii beesha Maxamuud Saleebaan”.
Saciid Deni ayaa caro kala dul dhacay beesha Hawiye isaga oo ku eedeeyay in ay qabaan cuqdo ay ka qabaan beesha Maxamuud Saleemaan ee Majeerteen. Waxa uuna sheegay in ayan wali ka bixin cuqdadii horay ugu qabeen Majeerteen gaar ahaan beesha Maxamuud Saleemaan, taas oo keentay in Muqdisho laga soo ceyriyo beesha hantiteediina la bililiqeysto.
“Adinkaba waad ka dharagsan tihiin in ninkii noogu danbeeyay ee hogaanka dalka qabtay uu ahaa Allaha u naxariistee Cabdullahi Yusuf, isagana si karaamo daro ah ayaa beesha Hawiye xoog uga ceyriyeen jagadii uu dalka ka hayay” ayuu yiri Saciid Deni oo caro ka muuqato.
Waxa uu intaas ku daray “Ma waxaan daawan karnaa in Mariixaan iyo Hawiye hogaanka dalka iyagu isku bad-badalaan anagana aan ka noqono “mustaciima karaama, wax la qaadan karo maha, Mariixaan dhaqan iyo karti uu kula wareego hogaankii Beesha Majeereen ma laha laakiin anaga ayaa is dhignay meesha aanu joogno maanta, qaar naga mida ayaaba u shaqeeya Mariixaan iyo Hawiyaha”.
Hadalka Saciid Deni ayaa u muuqda mid beer-laxawsi ah oo uu ku doonayo in uu ku helo taageerada ganacsatada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha Maxamuud Saleemaan. Waxa uuna iska dhigaayay in uu yahay midkii badbaadin lahaa Beesha Maxamuud Saleemaan.
Sida ay MOL ugu xog-warameen dad ku sugnaa shirka, Dani ayaa u sheegay dadkii uu la kulmay in uu heysto lacag ku filan oo uu ku noqdo madaxweynaha Soomaaliya. Waxa uuna sheegay in uu gacanta ku dhigay beesha Digil iyo Mirrifle oo rajo ka qabo in uu lacag ku iibsado codkooda.
Waxaan shaki ku jirin in hadalka ka soo yeeray Saciid Deni uu dhaawac xoog leh gaarsiin doono hamigiisa siyaasadeed gaar ahaan rajada uu ka qabay in uu taageero ka helo beelaha kale ee Daarood ee degan Puntland kuwaas oo uu ka dhigay kuwa aan geeynin kursiga madaxweynaha.