Deni & Axmed Madoobe oo taageeray in Amniga uu la wareego Rooble

Reading Time: < 1 minute

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa markii ay soo gabagabeeyeen kulamadii gaar gaarka ahaa ee ay la yeelanayeen daneenayaasha siyaasadda iyo bulshada rayidka waxay gelinkii dambe ee maanta si rasmi ah u guda galeen doodda ku saabsan arrinta Amniga, iyadoo Madaxda ay soo bandhigayeen aragtiyadooda la xiriirta Amniga, iyadoo ku kala duwanaayeen qaabka loo dhigayo.

Doodda ugu weyn ayaa ka imaanayay Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa iyadoo aanu mas’uul ka aheyn Amniga aan doorasho la qaban karin, waxaana uu tusaale u soo qaatay wixii dhacay 27 December.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni & Axmed Madoobe ayaa si weyn ugu taageeray Ra’iisul Wasaaraha arrinta Amniga inuu mas’uul ka noqdo, halka Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle aanay mowqifkooda caddeynin.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo markii hore diidanaa shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha ayaa la aaminsan yahay iney aragtidiisa ku saleysan tahay mowqifka Villa Somalia ee kasoo horjeeda Ra’iisul Wasaare Rooble.