Dekadda Hobyo Dhaqaallahii Loogu Talagalay Dhismaheeda Yaa qaatay!!!

Reading Time: < 1 minute

Dekadda Hobyo ee Maamulka Galmudug waxaa la sheegay in dhismo lagu sameeynaayo islmarkaana ay Noqoneeyso Dekadda Maamulka Galmudug,waxaa looga tala-galay dhaqallo aad u fara-badan kuwaasi oo la weeciyay islamarkaana lagu qaatay qaab Musuq maasuq ah

Dr,Muqtaar Maxamed Cali oo ka mid ah Waxgaradka Maamulka Galmudug oo la hadlay Warbahinta ayaa waxaa uu sheegay in ay cadahay in dhaqaallahii uu leex-saday Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle xaaf islamarkaana hadda la joojiyay Howlahii dhismaha Dekaddaasi

Lacag Gaareeysa Malaayiin doolar ayaa looga tala-galay in lagu dhiso Dekadda Hobyo,taasi oo Naqshadda Dhismaheeda lagu sheegay mid u habeeysan qaab heer caalami ah,waxaana dhismaha loo xil saaray Shirkad Shiinees ah oo qaabilsan Dhismaha Dekadaha

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa la xasuustaa in lacag ay soo aruuriyeen Ganacsato uu cunay ka dibna uu sheegay in uu isku difaacay Waqtigii mooshinka laga keenay

Arintaan ayaa waxaa ay ceeb weeyn ku tahay Maamulka uu Hogaanka u haayo xaaf waxaana tani ay Rajo La’aan dhigeeysaa Ganacsatada ku rajo weeynaa in ay Maal-gashtaan Deegaanadda Maamulkaasi