Shaqada dekada oo hakad u gashay Amar Al-Shabaab kasoo baxay(Aqriso)

Sida ay Mol wararka ku heleeyso Shaqada Dekadda Muqdisho oo ah Isha ay Dowladda Soomaaliya ka hesho lacagaha ugu badan ayaa xayirneyd muddo Seddex Maalin ah..

Al-Shabaab ayaa ganacsatada ku amartay inaan Alaab laga dajin karin Markab aan Canshuur la mid ah midda Dowladda laga siinin kooxdaan dagaalka kula jirto Dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Kooxdaan ayaa ganacsatada ugu hanjabtay in tallaabo laga qaadi doono haddii ay alaab kasoo dajiyaan Markab aan lacag laga siin.

Amarkaas ayaa keenay inaysan Dekadda Muqdisho shaqeyn Seddexdii Maalin ee ugu dambeysay, waxaana la arkayey Maraakiibta oo Dekadda iska taagan isla markaasna aan wax alaab ah laga dajineyn.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey, Shaqadda Dekadda ayaa Maanta dib u bilaabatay kadib heshiis dhex maray ganacsatada iyo AL-Shabaab inkastoo Shalay Hal Markab la dajiyey.

Markii ugu horeysay Shalay ayey shirkad kamid ah kuwa Dekadda Muqdisho wax kasoo dajisto bilowday inay Maraakiibteeda alaabta ka dajiso kadib markii la sheegay inay wada hadleyn Kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Saakay dhammaan ganacstada ayaa si wadajir ah u bilaabay inay dajistaan alaabtooda mudada seddexda maalin ka xayirneyd.

Advertisements