Wararka ka imanaya magaalada muqdisho aya shegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Xalay howlgallo ka sameeyen Xaafado ka tirsan M/ Muqdisho.
Howlgallada oo ahaa kuwa qersheysan ayaa waxaa ay Ciidamada ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Waxaana la sheegay in Ciidamada Dowladdu ay gudaha u galen Guryo Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadaasi.
Dadka deganka ayaa sheegaya in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in dhalinyaradaasi ay ku socdaaan baaritaano xoogan,islamarkaana xusay in ay soo bandhigi doonaan cidii danbi lagu helo/.
DFS ayaa Xalay ku dhawaaqday in howlgallo ballaan laga sameyn doono guud ahaan magaalada Muqdisho, si loo xaqiijiyo amniga Caasimadda.