Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada degmada Xamar Weyne ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in dhibaato badan ay ka jirto degmada, islamarkaana koox burcad ah oo taleefoonada soo dhaca ay keenaan Degmadaasi.
Maxamuud Cali Xasan Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale waxaa ku baaqay in Ciidamo hor leh la keeno degmada, si looga hortago kooxaha dhaca ka geysta Magaalada Muqdisho, islamarkaana taleefoonada keena Degmada Xamar weyne.
Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in arintaasi ay walaac ka muujinayeen marar badan,Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay kooxo burcad ah oo dhac u geysta Dadka Shacabka ah.
Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maalmahii dambe waxaa ay ahaayeen kuwa amnigoodu uu aad usii liidanaayay.