Degmooyin ka Tirsan Gobolka Banaadir oo Amni Xumo looga Guuraayo”Ma isku aamini karno Degmada”

Reading Time: < 1 minute

Dhowrkii Bilood ee lasoo dhaafay waxaa ay kooxda al-shabaab laba jibaartay weerarada iyo dagaaladda tooska ah oo ay kusoo qadayaan Degmooyinka gobolka banaadir kuwaasi oo ay u dheereed Qaraxyo lagu hoobtay oo ay geesaneeysay 

Iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaa iminka Barakac xoogan uu ka bilaawday qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Bnaaadir sida Deeyniile,heliwaa,yaaqshiid iyo kaaraan kuwaasi oo xigga cirifka magaalada waxaana laga baqanayaa in Al-shabaab ay si sahal ah ula wareegaan,

Mid ka mid ah Odayaasha ka shaqeeya Xafiisyadda Dowladda Soomaaliya islamarkaana deggan Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu ka barakacay xaafadiisa islamarkaana uu degay degmada xamarweeyne halkaasi oo uu amni doorbiday

waxaa uu warbaahinta u sheegay”Waxaan ka shaqeeyaa Xafiis dowlo  dhaqaallaha aan qaato guri kiro ah kama degi karo oo labo xaas iyo caruur ayaan leeyaay,sidaas oo ay tahay xaafadeeyda cabsi ayaan ugu soo guuray” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah Shaqaallaha Dowladda

Dhanka Kalle waxaa uu carabka ku adkeeyay in uusan jirin Howl muhiim ah oo ay qabtaan Laamaha amniga ”Maalin walbo Xaafadeeyda dad ayaa lagu dilaa kooxdii dishay si xadaared leh ayeey ku baxsataa,shabaab meel dheer nooma jiro oo waqti walbo waa  noo imaan karaan dowladda howsheeda waa gabtay”’ ayuu mar kale yiri

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayeey ceeb ku tahay in Gobolka banaadir oo ah Gobolka kaliya ee Dowlada ka taliso in Amni xumo looga Cararo waxaana taas sabab u ah Hogaanka Xukumadda oo aan Dan iyo Heelo ka laheeyn Amniga iyo Hormarka dalka